TOBANKA DARDAARAN EE NOLOSHA WANAAGSAN

  1. Baro aqoon waxtar leh, kuna tababbaro tababbar guulaystay; waayo liibaantu waxay ku xidhan tahay tacliin iyo tababbar joogto ah. U noolow afkaar, geesinnimo oo dhan, ku dhex muquuro tijaabooyinka, hana ku dul noolaan garbaha dadka kale. Ahow qof noloshan ka leh ra’yi madaxbannaan, hana ka fikirin waxa ay kaa leeyihiin dadka kale.
  2. Guurso insaan, balse ha reeraysan xoolo. Dumarka ka dhex xulo saaxiibaddada nolosha, laakiin ha ka dooran adeegtadaada, hana ka fekerin bawdyaheedan uun; si ay kuugu dhasho, hase ahaatee fiiri caqligeeda iyo qiyamkeeda; maxaawaxay insaan ahaan baad ula noolaanaysaa, ee uma baahnid raaxo uun. Haddii aad tahay inan, guurso insaan, laakiin ha raadsan qoodh, sababta oo ah, guriga waxaad kula noolaanaysaa insaan kaalmo kala duduwan ka ciyaaraya noloshan, laakiin keliya uma baahnid beeroole.
  3. Adigoo aan lumin caqligaaga, ka qaybqaado dan guud; waayo shaqada guud waa daruuri, shaqada gaarka ahina waa hal’abuur. Sidaa awgeed, ma ka la maarmaan labadu, shacabka noolina isle’egtan ayaa uu fahansan yahay oo dadka kuma addoonsadaan danta guud, qofkuna qofnimadiisa kuma lumiyo danta guud.
  4. Naftaada u deji yoolal la hirgelin karo, waxna waajib ah in ay waaweyn yihiin. Dadka ha ka xadin midhaha caqligooda iyo barnaamijyadooda, laakiin waa suurtagal in aad uga faa’iidaysato tijaabo ahaan, balse halistu waxay ku jirtaa in aad shakhsiyaddaada ku lumiso ku dayashadooda. Aad ayaa ay u badan yihiin dad dadnimadoodii iyo qofnimadoodiiba ku waayay mashaariic dad kale!
  5. Ogsoonow in aad ballaadhiso danayntaada; waayo qofkii isballaadhiya ayaa ka hawlgala aagag dhawr ah, meelo door ahna ku muujiyo hal’abuurkiisa. Sidaas oo ay tahay, ha illaawin diiradsaarka; maxaawacay waa kuu muhiim. Haddii aad danayso arrimaha fikriga, nafta duldhig falsafadda iyo foolaadkeeda, fiqiga iyo raggiisa, fikirka iyo shakhsiyaadkiisa iyo nolosha iyo keerarkeeda. Hana ku dhex noolaan darbiyo xidhan.
  6. Ha illaawin saddex qodob oo kaa dhigaya qof ku faraxsan nolosha, qaab waxtar lehna isugu dheellitiraya: salaadda, akhrinta Quraanka iyo dikri iyo duco wada jira. Xasuusno saddex kor u qaadaya maskaxdaada: akhriska manhajka leh, la xidhiidhka caqliyada garaadka badan iyo fikirka hal’abuurka wata. Iska dhaaf saddex ku niyad jabinaya: ka fikirka shaqooyinka dadka kale, in aad hab joogto ah uga warranto guuldarrada iyo raadraadinta dhinnaanta iyo dhaliilaha saaxiibbada.
  7. Buugga ka dhigo saaxiib daacad ah, lana noolow fiirooyinka dadka leh fikiradaha ka hor intaanad la dersin sadarrada buugaggooda. Si aad u ahaato insaan, la xidhiidh ruuxa baahan iyo saboolka ah. Ha fikirin dadka kale adiga oo wakiil ka ah, balse nuxurka fikirkaaga la wadaag dadka. Xaaladdan, waxaad helaysaa dad kala duduwan: ruux baa ku diidaya, xaq baanu u leeyahay, mid labaad ayaa ku dhaliilaya, waana arrin dabiici ah, qof saddexaad ayaa ku yeelaya, waxay tusaysaa awoodda qancintaada, shakhsi afraadna dan iyo muraadtoona ka ma laha qoraalkaaga, waayo isku dookh ayeydaan ahayn.
  8. Abidkaa fiiri hore, hana noqon sida dacawada daymada badan ee aan dheerayn; waayo horusocodka ayay ka cabsataa. Ha noqon sida bisadda sugta shayga ay samaystaan noolaha kale, waayo falkani waa addoonsi aqbal. Ha noqon sidii dibi cadhaysan oo burburinaya shayga ka horreeya iyo ka ka danbeeya, waayo ma samaysan mustaqbal, tagtadiina ma tixgelin. Laakiin, noqo libaax socodkiisa ku dara degganaan iyo kalsooni, ugaadhana ku booda isaga oo aan dayacayn fursadaha; sababta oo ah noloshani waa fursado, doqonniimadana waxa ka mid ah in aanad ka faa’iidaysan xilliga munaasibka ah.
  9. Qoyska sii waqti muhiim ah oo ka mid ah noloshaada, barbaarinta iyo jihayntana ka dhigo habka aad isu fahantaan ubadkaaga; waayo waa kaydka dhabta ah. Shayga ugu qaalisan ee aad siinayso ubadku waa ogaalka, aqoonta iyo jihaynta, balse ma aha hantida iyo lacagta. Haddaba, waxa kugu waajib ah in aad ka fikirto maxay iga dhaxli doonaan ubadkaygu? Ugu horrayn, ka fikir iimaan, mar labaad akhlaaq, mar saddexaadna abtirsiin. Waa in aad u kala horraysiiso arrimaha aad kula dhaqmayso ubadka yaryar iyo waaweyn iyo lab iyo dheddigba sida ay u kala mudan yihiin. Udub dhexaadka qoysku waa hooyada; waayo waa tiirka ugu mudan iyo dhufayska ugu muhiimsan, aabbuhuna waa garabka iyo awoodda qoyska.
  10. Liibaanta ka dhigo hadaf, balse yeysan kaa noqonin jid; waayo micne ma laha nolol guul leh oo aan wada liibaani. Sidoo kale, nacfi ma laha nolol ay maaddo oo dhami ku dhan tahay, laakin ka arradan liibaantii. Isha liibaantu waa qalbi daahir ah, xarunta guushuna waa caqli maskax badan. Insaanku wuu guulaysan karaa, laakiin noloshiisa ka ma heli karo liibaan. Sidoo kalena wuu liibaani karaa, hase ahaatee ma guulaysan karo. Sidaa awgeed, intii karaankaa ah, qorshee qaabkii aad u kulmin lahayd liibaanta iyo guusha. Si daacad ah ayaan idiinku duceeyay.

    Gunaanadka: guushu ma aha in aad noloshan u qaabayso sidaad doonayso, laakiin waa in aad ku aqbasho habka ay tahay, waana in aad caqabadeheeda ku wajahdo awood. Waa suure in aad kufto, in aad dhacdo iyo in aad guuldarraysato; balse qaamuuska guusha meelna kagama jirto in aad ka baxdo nolosha. Guushu waxay ku jirtaa in lagu suntanaado qiyam, adkays iyo dulqaad si kasta oo ay yihiin caqabaduhu. Guushu ma aha qaabka aynu ka aragno warbaahinta, balse waa sida aynu ka aragno gudaheenna.

Qalinkii Sh. Cabdiraxmaan Bashiir

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *