Waxa ay ahayd jawaab aad u xeel dheer, markii la weydiiyay mid ka mid ah shaqaalaha nadaafadda ee xarunta cirbixinta Mareeykanka ee NASA, maxay tahay shaqadaadu? Waxa uu yiri, anigu waxa aan masuul ka ahay gaarsiinta dadka ee dayaxa! Waxa uu qirsanaa in haddii aanay ahaan lahayn shaqadiisa iyo ka dhigistiisa goobta shaqada meel ku habboon curin iyo maskax maalid, aysan dadku gaareen dayaxa. Taasina waa waxa loo yaqaanno “fiirinta waxa ka danbeeya shaqada”, oo ah u yeelidda shaqadaada macno ka weyn waxa ay tahay.
Waa muhiim in uusan eegin qofka oo kali ah shaqadiisa, ee uu fiiriyo waxa ka danbeeyo shaqada iyo raadka iyo saameynta uu kaga tagayo dadka. Markii ay soo booqatay samafaladdii caanka ahayd ee “Mother Tresa” warshad ku taalla Hindiya, waxaa araggeeda soo jiitay mid ka mid ah shaqaalaha shirkadda oo boolal ku ridayay meel loogu tala galay, isaga oo faraxsanna heesaya, waxa ayna weydiisay: maxaad qabanaysaa? Waxa uu ku jawaabay: waxaan sameynayaa diyaarado! Iyada oo yaabban markii ay ku hadal celisayna waxa uu ugu jawaabay: boolashaan yaryar la’aantood ma socoteen diyaaradda weyn ee aad raacdaan, sidaa darteed anigu waxa aan sameynayaa diyaarad.
Aragtida aynu ku eegaynno nafteenna ayaa ah raadka wax soo saarkeenna, iyo halbeegga horumarkeenna. Waa muhiim in aynu eegno raadka shaqada, ee aynaan isku mashquulin nooca shaqada. Ma ahan ninka biraha tumayaa tumaalle oo kali ah, ee waxa uu qayb ka yahay ilaalinta dhaqaalaheena.
Ka warran hadii mindi walba oo kaa afbeesha aad ku qasbanaan laheyd in aad soo iibisid mid kale? Ma ahan darawalka taksiga darawal oo kali ah, ee waxa uu qayb ka yahay ilaalinta waqtigeenna. Ma tihid kalkaaliso caafimaad oo guranaysa mirihii waxbarashada caafimaadka oo kali ah, laakiin waxa aad qayb ka tahay badbaadinta naf – idin Ilaahay. Ma tihid wariye ama saxafi warka tabiya oo kali ah, ee waxa aad qayb ka tahay gaarsiinta xaqiiqada bani aadanka iyo u gargaaridda runta.
Macallinku waxa uu qayb ka yahay soo saarista jiil wax beddela, hooyada ciyaalkeeda tarbiyeynaysaana waxa ay qayb ka tahay sameynta qof macno leh, xilli ay bateen bani aadan ujeeddo la’aan ahi.
hadalkii koowaad ee aan ku iri odeygii iibinayay buugta, salaan ka dib, waxa uu ahaa waxa aad qayb ka tahay dhisidda maskaxdeena iyo kobcinta aqoonteenna ee ma tihid “Buug iibiye” oo kali ah!.
Kan u arka naftiisa in uu yahay oo kali shaqaale hay’ad samafal, iyo kan u arko in uu qayb ka yahay caawinaadda qof, waa ay kala duwan yihiin, waxqabadkooduna waa uu kala duwanaan. Ka dib markii uu soo galay masaajidka sheekha oo akhrinaya kitaabka ‘Saxiixul Bukhaari’, waxa uu ku canaantay sheekha in uu xilligan akhrinayo kitaab halka dunida kale ay gaartay dayaxa! Sheekha oo u arkayay shaqadiisa mid ka mug weyn akhrinta kitaab, garowsanaana qiimaha shaqada uu hayo ayaa yiri: “Oo maxaa dhib ah?
Makhluuq ayaa gaaray makhluuq kale, balse anigu dadka ayaan gaarsiinayaa Abuuraha dayaxa iyo dadkaba!” Adiguna ma tihid wadaad masaajidka fadhiya oo kali ah, ee waxa aad qayb ka tahay gaarsiinta dadka Rabbigooda.
Farqi weyn ayaa u dhaxeeya kan ka fiirinaya shaqadiisa mushahaarka uu qaato dhamaadka bisha iyo kan fiirinaya raadka danbe ee uu kaga tagayo. Shaqo walibana si walbo oo ay u liidato, haddana waxa ay leedahay raad iyo saameyn ay kaga tagayso dadka kale. Halbeegga aan ku eegayno shaqadeenna waa kan xaddidaya qiimaheeda.
Shaqo walbo oo aadanaha loo qabto, ayna ku jirto u adeegidda insaanka waa shaqo sharafan, mudanna dadaal iyo dhidid, ee kali ah adigu ha ku xaqirrin ku eegistaada Il aan u qalmin, una yeel shaqadaada macno ka weeyn tan ay tahay.
Qiimaha aadanahu waa aragtida uu ku eegayo naftiisa, ee ma ahan tan ay dadka kale ku eegayaan isaga, mana jiro qof kuu dhigi karaya hoos adiga oonan hoos isu dhigin, mana jirto cid sare kuu qaadi karta adiga oo aan sare isu qaadin!.
– AbdiAziz Mubarak